Cudurka Covid-19 iska ilaali dadka kalena ka ilaali – talooyinka ku saabsan cudurka Covid-19
Skydda dig själv och andra – rekommendationer om covid-19 på somaliska.
Iyadoo kooban naga guddoon talo sidii cudurka Covid-19 isaga ilaali lahayd, dadka kalena aad ugu ilaali lahayd.
Waa inaad xilkasnimo ku dhaqanto sidii aad cudurka isaga ilaali lahayd iyo in u dadka ku faafo
Qof kasta wuxuu mas`uul ka yahay in u cudurka iska ilaaliyo, dadka kale na ka ilaaliyo in la qaadsiiyo cudurka Covid-19.
Waxaad cudurka kaga badbaabi kartaa adigoo iska tallaalo
Tallaalka waa habka ugu wanaagsan oo looga badbaado in cudurka Covid-19 si halis ah looga xannuunsado.
Hay'adda arrimaha caafimaadka dadwaynaha [Folkhälsomyndigheten] waxay talo ahaan soo jeedisay, in dhammaan dadka da`dooda ka wayn 50 sano ay iska tallaalaan cudurka Covid-19. Hay`adda waxay kaloo talo ahaan soo jeedisay in, in dhammaan dadka 18 sano ka wayn oo ka tirsan kooxaha halista ugu jira in si halis ah ugu xannuunsadaan cudurka Covid-19, in iyaguna ay iska tallaalaan.
Tirada inta jeer ee tallaalka waa hadba da`daada iyo haddii aad ka tirsan tahay kooxaha u cudurka halis u yahay.
Xitaa dadka da`dooda u dhaxayso 18 ilaa 49 sano oo aan ka tirsanayn kooxaha talo soo jeedinta khusayn, way iska tallaali karaan cudurka Covid-19.
Barta internetka 1177.se ayaa warbixin dheeraad oo ku saabsan degmada aad degan tahay ka aqrisan kartaa.
Sidatan ayaa cudurka Covid-19 laysaga tallaala (1177.se)
Marar dhif/nadir ayay ilmaha yaryar iyo dhallinyarada caafimaadka qaba ay hab halis ah ugu xannuunsadaan cudurka Covid-19. Da´yarta oo aan weli 18 sano buuxsan, oo u ku dhacay cudur ama xaalad sababi karta in si dheeraad ugu xannuunsadaan infeekshanada ku dhaca mariinada hawada, sida tusaale haddii heerka difaaca jirkooda u aad u hooseeyo, waa laga tallaali karaa cudurka Covid-19 kaddib markii dhakhtarkooda ay la tashadaan.
Guriga joog haddii aad xanuusanayso
Haddii aad xannuunsanayso oona dareemayso calaamadaha cudurka Covid-19, iska joog gurigaaga iskana ilaali inaad xiriir dhow dadka la yeelato. Waa inaad sidaas u dhaqanto xitaa haddii shaybaar iska qaado natiijaduna noqoto waxkamajiraan/negativ.
Wac lambarka 1177 haddii aad u baahan tahay in laga caawinno qiimaynta calaamadaha cudurka ama talo xiriir la leh halka aad daryeel-caafimaadeedka ka raadsan lahayd.
Haddii weli aadan is-tallaalin waa inaad si taxadarsan u dhaqanto
Qofka aan weli cudurka iska tallaalin waxaa u degsan talooyin/dardaaran gaar ah, kuwaasoo waafaqsan talooyinka/dardaaranada Hay'adda arrimaha caafimaadka dadwaynaha [Folkhälsomyndigheten].
Haddii 50 sano jir aad tahay ama da`daada ka wayn tahay, ama haddii 18 sano jir aad tahay ama da`daada ka wayn tahay kana tirsan tahay, kooxaha si halis cudurka Covid-18 ugu xannuunsado, oona weli aadan cudurka iska tallaalin waa inaad si taxadarsan u dhaqanto. Macnaha sida aad cudurka ugu badbaado dartiisa waa inaad iska ilaaliso ku sugnaanshada goobaha gudaha ku yaalaan oo ciririga ah ama dadka ku badan yihiin. Hab-dhaqankani wuxuu si gaar ah muhim u yahay xilliyada cudurka Covid-19 u aad u faafo. Dadka aan weli cudurka iska tallaalin oo lagu tiriyo kooxaha cudurka u halis u yahay, waxay halis ugu jiraan in si darran cudurka ugu xannuunsadaan. Heerka halista sare ayuu u kaca hadba da`da wayn ee qofka.
Tallaalka looga hortago cudurka [Covid-19]
Filmen nedan, titel på svenska: Frågor och svar om vaccination mot covid-19
Su'aalo iyo jawaabo ku saabsan tallaalka ka hortagga covid-19

Filmen nedan, titel på svenska: Sant och falskt om vacciner mot covid-19
Run iyo been ku saabsan tallaalada covid-19:ka

Filmen nedan, titel på svenska: Det är viktigt att vaccinera sig
Waa muhiim inaad is tallaasho

Filmen nedan, titel på svenska: Om graviditet och fertilitet
Uurka iyo suurtogalnimada dhalista carruur

Filmen nedan, titel på svenska: Hur testas vaccin mot covid-19?
Sidee loo baaraa talaalada ka hortaga covid-19?

Filmen nedan, titel på svenska: Hur funkar vaccin?
Sidee talaalada u shaqeeyaan?

Filmen nedan, titel på svenska: Vad är ett vaccin?
Waa maxay tallaal?
